Maamulka Degmada Berdaale Oo Amarro soo saarey

Waxaa Maanta degmada Bardaale ee Gobolka Baay kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Maamulka degmadaas, Saraakiisha Ciidamada Amniga iyo Maamulada Xaafadaha & qaar kamid ah Xubnaha Golaha degaanka, kaas oo looga hadlayay Amniga Guud ee degmadaasi Bardaale.

Kulanka ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Maamulka Degmada Berdaale ee Gobolka Baay, iyada oo Shirka laga soo saarey awaamiir ku aadan ammaanka Degmada iyo Deegaanada hoosyimaada, iyada oo sidoo kale looga hadlay qarixii dadka Shacabka ahaa ku dhinteen oo todobaadkii hore ka dhacay degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Berdaale ee Gobolka Baay oo faah faahiyay Awaamiirta ay soo saareen ayaa sheegay in la mamnuucay mootooyinka xilliyada habeenkiinka Shaqeeya degmada & in degmada laga mamnuucay dadka rasaasta faraha badan riyada xilliyada Arooska.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay jiraan dad abaabulayo xiisado dhanka qabaa’ilka , isaga oo uga digay arriintaas, wuxuuna Shacabka faray inay ka qeyb qaataan sugida amniga degmada iyo degaannada hoostaga.

Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa todobaadkii hore waxaa ka dhacay qarax miino oo la dhigay Suuqa Jaadka degmadaas, waxaana ku dhintay 7 Ruux halka 10 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badnaa Shacab.