Maamulka Degmada Diinsoor Oo ka qeybgalay kulan looga hadlayey Arimo Bani,aadanimo(Sawiro)

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Mudane Cabdisalaan Xaaji Siidow (Diyaar) ayaa aalada Zoom ka uga geyb galey shir balaaran oo looga hadlaayey ariimaha bani’aadannimo ee degmada Diinsoor.

Shirkaas aysoo wada qaban qaabiyeen Wasaaradaha Qorsheynta,Gargaarka iyo Arimaha gudaha ayaa waxaa dhanka dowladda uga qeyb galey wasiiradda Qorsheynta, Gargaarka & Arimaha Gudaha waxaa kaloo shirka qeyb ka ahaa in ka badan 40 hay’adood iyo oo ah kuwa gargaarka iyo xaaladaha bani’aadanimo ka shaqeeya wasiirada waxay fareen hay’adaha in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka tabareysan oo magaalada ku nool oo in mudda ah xanibaad iyo go’doon ku jirey.

Degmada Diinsoor oo kamid ah degmooyinka wasaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta koonfur galbeed ay u dhistay golaha deegaanka ayaa hada ka bilaaban doona howlaha gargaar iyo adeegyada dadweynaha,