Maamulka Degmada Xudur Ee Goblka Bakool Oo Ka Warbixiyay Howl-galo Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ay Ka Sameeyeen Deegaano Hoostagga Degmadaasi.

Aadan Cabdi Abaarey Oo Ah Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Degmada Xudur Ee Xarunta Gobalka Bakool Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Xaaladda Guud Ee Degmdaasi Iyo Howl-galo Ciidamada Dowladda Soomaaliya Iyo Kuwa Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Ay Dhowaanahan Ka Wadeen Deegaano Hoosta Degmada Xudur Oo Ay Kamid Tahay Deegaanka Garasweyne.

Gudoomiye Abaarey Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Ciidamada Dowladda Soomaaliya Iyo Kuwa Koonfur Galbeed Oo Iskaashanaya Ay Howl-galo Kan Dhan Ah Maleeshiyada Alshabaab Ka Sameeyeen Deegaanka Garasweyne Oo Ay Ku Sugnaayeen Haraadigga  Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed Ee UGUS Oo Dhibaato Xoog Leh Ku Hayay Shacabka Deegaankaasi,

Asagoona Sheegay Inay Halkaasi Khasaaro isagu jirta Dhimasho Iyo Dhaawac Ay Ku Gaarsiyeen Maleeshiyada Shabaab, Deegaankuna Hadda Uu Yahay Mid Degan Oo Ay Joogaan Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed.

Maamulka Degmada Xudur Ayaa Mudooyinkan Dambe Waxaa Uu Wadaa Howl-galo Qorshaysan Oo Lagu Doonayo In Lagu Soo Afjaro Jiritaanka Maleeshiyaadka Faro Ka Tiriska Ah Ee Shbaab Kuwaasi Oo Weli Ku Dhuumaalaysanaya Qaar Kamid Ah  Tuulooyinka Hoostaga Degmadaasi.