Maamulka G/ Hiiraan oo lagu wareejiyay Agab loogu talo galay Amniga doorashooyinka

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wareejiyay Agab loogu talagalay hubinta Amniga Doorshada Golaha Shacabka ee ee lagu qabanayo Magalada Beledweyne.

Agabkaan oo ka kooban dhowr waxyaabood ayaa waxaa bixiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, iyada oo loo soo marsiiyay Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ee ku sugan Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Agabkaan la wareegay ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha UNSOM, isaga oo sheegay in sidii loogu talo galay loogu Shaqeyn doono.

Sidoo kale Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay inay sugeyso waddo dheer oo ah qabashada doorashada Golaha Shacabka iyo ku Shaqeynta Agabka hubinta Amniga doorashooyinka ka dhacaya Mahaalada Beledweyne.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Jabuuti ee Agabka wareejiyay ayaa dhankiisa sheegay in qalabkaan oo ka kooban kuwa dadka iyo Gaadiidka lagu baaro & Agab kale ay dadaal badan u galeen sidii deg deg loogu wareejin lahaa Maamulka Gobolka Hiiraan kuna guuleysteen.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana laga dareemayaa diyaar garoowgii ugu dambeeyay.