Maamulka G/Hiiraan oo xaqiijiiyay in uu geeriyooday nin Miino ku aasaayay Baledweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in nin ku hawlanaa aasida waxyaabaha qarxa uu ku dhintay halkii uu doonaayay inuu ku aaso miinada.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in Ninkaasi uu doonaayay inuu miino ku aaso wadada isku xirta Magaalada Baledweyne gudaheeda iyo Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, ayaa sheegay ninkaan inuu doonaayay miinada inuu ku dhibaateeyo bulshada ku nool Magaalada Baledweyne, balse isagii ay kula qaraxday halkii uu ku aasaayay.

Waxaana uu sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan cid kaste oo iskudayda in ay dhibaateyso Shacabka Magaalada Baledweyne.