Maamulka Gobalka Bari Oo Shaaciyey In Ay Gacanta Ku Dhigeen Dad La Sheegey In Ay Dhalinyaro Tahriibiyaan.

September, 20 2015 (Radio Baidoa) Mas’uuliyiinta maamulka gobalka bari ayaa shaaciyeyin ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah dadka dhalinyarada Soomaliyeed ka tahriibiya xeebaha Boosaaso ee xaruunta Gobalka Bari

Yuusuf Maxamed Wacays gudomiyaha gobalka bari ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan olalaha la doonayo in looga hortago dadka tahriibiya dhalinyarda Soomaliyeed.

Gudomiyaha waxaa kaloo sheegey in ay ku guuleysteen fashilinta qorshayaalka la filayo in lagu soo qab qabto dadka dhalinyarada tahriibiya, waxaana uu sheegey in ay gacan ku dhigeen qaar kamid ah dadkaa walow uusan carbaabin tirada rasmiga ah ee ay ciidamada amaanka ee gacanta ku dhigeen.

“Waxaan qabanay rag badan oo u abaabulnaa qaab shabakad ah, kuwaasi oo dhalinyarada Soomaaliyeed ka tahriibinayay xeebaha Boosaaso, waxaa lasoo taagi doonaa maxkamad sida ugu dhaqsiyaha badan, ciidamada ammaanka waxa ay habeen iyo maalin ku howlan yihiin sidii ay usoo qaban lahaayeen cid walba oo amni xumi wada” ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Bari.

Ugu danbeyntii Yuusuf Maxamed Wacays gudomiyaha gobalka bari ayuu sheegey in ay gacanta ku haayaan ilaa iyo afar kiis oo ku saabsan falal dil ah wuxuna sheegey in amniga guud ee gobalka bari uu yahay mid aad u wanaagsan.

Radio Baidoa.

Waxaad Nagala Soo Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.com