Maamulka gobalka sh.hoose ayaa faafaahin kabixiyey deyaaradii ku soodacdey gobalkaas

Maamulka gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in diyaaradda ku dhacday Afgooye oo ay qabsadeen Xarakada Alshabaab laga leeyahay wadanka Maraykanka.

Afhayeenka maamulka gobalka Shabeellaha Hoose Maxamed Shiine ayaa sheegay  in diyaaraddani ay tahay diyaarad laga leeyahay dalka Maraykanka taasoo ka soo duushay magaalada Nairobi.

Wuxuu sheegay in deegaanka ay ku dhacday ay maamulaan Xarakada Alshabaab oo iminka ay iyaga hadda gacanta ugu jirto.

Afhayeenka ayaa tilmaamay inay la socdaan xaalka diyaaradda iyo dadka saaran oo uu ku sheegay inay yihiin 12 qof mid kamid ahna uu yahay Soomaali.

Wuxuu kaloo intaas ku daray in diyaaradda ay doonaysay inay ku degto garoon diyaaradeed oo ku yaalla Ballidoogle waxayna waday lacag iyo agab ciidan.