Maamulka Hiiraan oo amaro ku soo rogay shacabka ku nool gobolkaasi

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa waxa uu maanta amaro ku soo rogay shacabka ku nool gobolkaasi gaar ahaan kuwa magaalada Beledweyne.

Yuusuf Dabageed ayaa amray in dhammaan goobaha waxbarasho iyo goobaha ganacsi la suro calamada Soomaaliya iyo midka Hirshabeelle, wuxuuna sheegay shacabka in looga fadhiyo dhaqangelinta amarkaasi.

Guddoomiyahan cusub ayaa amarada isbada joogga waxa uu ku soo rogayaa shacabka, iyada oo dhawaan uu soo saaray amar ah in dadka ku nool gobolka Hiiraan aanay garsoor u doonan karin Al Shabaab.

Sidoo kale shalay amar ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waxaa xabsiga lagu dhigay shaqaale ka tirsan wasaaradda maaliyadda Hirshabeelle iyo saraakiil ka tirsan hay’adda nabad sugidda.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan waxa uu u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, waxaana markii xilkaasi loo magacaabay uu sameeyay talaabooyin uu ku muujinayo awooda waxqabadkiisa.