Maamulka konfur Galbeed dib ayaan u soo ceshan doonaa deganada naga maqan ee Al-shabaab gacanta ugu jira

eelaayWasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka maamulka koonfur galbeed soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen Eelay ayaa shaaca ka qaaday in ay u diyaar garoobeen sidii ay Al-shabaab kaga saari lahayeen deganada fara ku tiriska ah ee imika gacoontooda ku jira ee hoos yimaada maamulka koon fur galbeed soomaaliya wasiir Eelaay ayaa sidookale waxa uu soo hadal qaaday tababaro ciidan oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay usoo xirayeen ciidamo ka tirsan maamulka koonfur galbeed soomaaliya kuwaa oo imika ku jira diyaar garowgii ugu danbeeyey oo ku aadan duulaan ay ku qaadan deeganada hada gacanta ugu jira  Al-shabaab iyo sidii ay isugu furi lahaayeen degmooyinka gobolada koonfur galbeed oo qaarkood degmooyinkaasi ay go,doomiyeen Al-shabab