Maamulka Koonfur Galbeed Oo War Kasoo Saaray Duqeyntii Ka Dhacday G/Bakool

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegaanka Ma’moodow oo qiyaastii 40-KM u jira degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta diyaaradeed ay fuliyeen Ciidanka Mareykanka ee Afrika, isla markaana lala beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Ma’moodow.

Wasaaradda ayaa sheegtay in duqeyntii xalay dhacday lagu dilay Saraakiil kamid ah Al-shabaab oo ku tilmaameen inay ka qeyb qaadanayeen dhibaateynta shacabka Gobolka, waa sida hadalka loo dhigay.

“Saaxibada Soomaaliya ayaa Howlgal Duqeyn ah oo lagu Dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen Deegaanka Ma’moodow Gobolka Bakool, waxaana Duqeynta ku Naf wayey Saraakiil ka qaadanayey sidii loo dhibaatayn lahaa Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Qoraalka Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed oo aan lagu shaacin tirada xubnaha la dilay iyo magacyadooda.

Sidoo kale Koonfur Galbeed ayaa tilmaamtay in duqeynta ka dhacday deegaanka Ma’moodow ay qeyb ka tahay qorshaha Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka ay ku doonayaan in Al-shabaab looga saaro deegaanada Maamulkaas.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ay uga hadlayaan duqeynta ka dhacday Gobolka Bakool, waxaana shabaabka muddo ku dhow 8 sanno u go’doosan degmada Xudur iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Bakool.