Maamulka Puntland Oo Cadeeyay Moowqifkiisa Ku Aadan Mooshinka Maamulka Jubbaland Kalsoonida Lagala Noqday

Maamulka Puntland ayaa cadeeyay mowqifkiisa kaga aadan mooshinkii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen shalay, kaasi oo ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Jubbaland.

War saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Puntland oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka Maamulkaasi, ayaa lagu sheegay in Puntland ay u aragto Mooshinkaasi mid hareermarsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Puntland waxa ay warkeeda ku sheegtay in Baarlamaanka Somalia uu ka dhintay dareenka wadaninimo, sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka Maamulkaasi kasoo baxay.

Maamulka Puntland sidoo kale waxa ay sheegeen in Baarlamaanka Soomaaliya dalka ay ku celinayaan kalakac siyaasadeed iyo foodo sida ay sheegeen Maamulkaasi.

Markii shalay Baarlamaanka Soomaaliya ay u codeeyeen mooshinka Jubbaland, ayaa war kasoo baxay maamulka Jubbaland, waxa ay dhankooda ku sheegeen inay xiriirka u jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 Img Description