Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Puntland ayaa cambeerayay qarax saakay 8:00 subaxnimo la labeegsaday shaqaale katirsan Qaramada Midoobay isugu jiray Ajanabi iyo Soomaali, kuwaasi oo ku sugnaa meel ku dhow xarunta Hay’adda FAO ee magaalada Garowe.
Madaxwene ku xigeenka ayaa booqday goobta uu ka dhacay qaraxaan waxaana uu uga sii gudbay cisbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe, halkaas oo la gaarsiyay dhaawacydada iyo dadka dhintay.
Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji ayaa si deg deg ah ku magacaabayGudi baaritaan rasmi ah ku sameeya dhacdadan
Gudiga ayaa ka kooban Wasiiro iyo Taliyaal ciidan waxayna kala yihiin
1: Wasiirka Aminga Dawladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore
2: Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle
3: Wasiir Dawlaha caafimaadka Dawladda Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali
4: Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf
5: Taliyaha Nabadsugida Puntland Cor. Cabdullaahi
Dawladda waxay si buuxda u cadaynaysaa inaan falkaan wax saamayn ah ku yeelanayn amniga iyo kala-dambeynta wanaagsan ee kajirta Puntland, xaalada magaalada Garoowana ay tahay mid caadi ah, islamar ahaantaana ciidanka Amniga Puntland si dar dar leh ay u wadaan baaritaano xoogleh oo ku aadan dhacdadaas.ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland