Radio Baydhaba Ayaa 200 Raadiyal Digital ah U Qeybisey Barakacayasha..Daawo Sawirada

In ka badan 200  Haween ka kala yimid kaamam ku yaal magaalada baydhaba xarunta gobolka Bay Ayaa Maanta Xarunta Shirarka Ee Tanaad Baydhabo waxaa loogu Qeybiyey 200  Raadiyaal Dijital ah

Munaasabadii Qeybinta Raadiyashan Waxaa ka qeyb galey Maamulka gobolka Baay Kan Degmada Baydhabo Iyo Waziiro Ka socdey Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya

Iyo marti sharaf kale oo lagu casuumey Munaasabadan

Agaasimaha Radio Baydhabo C/raxmaan Jiirow Oo ugu Horeyntii Halkaasi Ka Hadley Ayaa Sheegey In qeybinta raadiyayashan ay tahay sidii haweenka ku dhaqan xerooyinka barakacayasha ay ula socdaan waxyaabaha ka socda dunida inteeda kale sida Wararka Barnaamijada iyo Farrimaha Dadweynaha

Ibraahim Loor oo ku hadlayey magaca Kaamamkii ka faa.ideystey fursadas ayaa dhankiisa tilmaamey in RADIO BAIDOA  ay uga mahadcelinayan sida ay marwalba ay u dooneyso iney daboosho baaahida shacabka konfur galbed soomaaliya

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay C/rashiid C/Laahi Maxamed iyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Aadan Isack Osama ayaa dhankooda Radio Baidoa Ku Bogaadiyey Hormarada la taaban karo Oo Mudooyinkii U dambeeyey Ay Ka wadeen magaalada baydhabo xarunta gobolka Baay waxayna sidoo kale Dadkii Loo qeybiyey raadiyasha ay kula dardaarmeen ineysan dayacin oo ay kala socdan dhacdooyinka caalamka si aysan u noqon kuwo u Nugul Borobogaandada

Ma,ahan Markii Ugu Horeysey Kulamo Noocaan Ah ay Radio Baidoa ay ku qabato Magaalada Baydhabo Iyo konfur galbeed Inteeda Kale waxa ay aheyd 10 december  2015 sanadkii lasoo dhaafey markii ay qabteen kulan isdhexgal bulsho oo ay u qabteen in ka badan 100 ruux oo isugu jira rag iyo haween.

Waxayna maamulka Radio Baidoa sidoo kale ay balanqaadeen in sanadkan 2016 Dabayaaqadiisa Xarun Cidaacadeed Ay ka Furi Doonaan Caasimada Konfur Galbeed Somaliya Magaalo Xeebeedka BaraaweIMG_9258 IMG_9286 IMG_9312 IMG_9316 IMG_9318 IMG_9327 IMG_9330 IMG_9336 IMG_9343 IMG_9349 IMG_9350 IMG_9351