Maamulka Somaliland oo sheegay inay xireen dad faafinayay Diinta Kirishtaanka

Soomaaliland ayaa shaacisay in howlgal ay sameeyeen todobaadkaan ay gacanta kusoo dhigeen laba ruux oo ay sheegeen inay degaannada Soomaaliland ku faafinayeen diinta kirishtanka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliland Gaashaanle Sare Feysal Xiis Cilmi ayaa sheegay in labada qof ay ahaayeen dad ka baxay diinta Islaamka,sidoo kalena dadka ku dhex faafinayay Diinta Kirishtaanka.

Waxaa uu sheegay in labada qof ay qabteen ay yihiin kuwo Qur’aanka Kariimka iyo Cilmiga kale ee diinta kuwo si wanaagsan u yaqaaneeyn,isla markaana ay u gudbiyeen Maxkamadda si Cadaaladda loo marsiiyo.

Waxaa uu ugu baaqay dhamaan dadka ku nool degaannada Soomaaliland inay ka feejignaadaan falalka noocaas oo kale ah cid allaala cidii aragtana Booliska ay si deg deg ah ugu soo wargeliyaan.