Maareeyaha Hay’adda Duulista oo shaqada laga joojiyay

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawadda Soomaaliya waxaa shaqo joojin lagu sameeyay Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle Yuusuf (Jaalle).

Maxamed C/laahi Oomaar Wasiirka Duulista Iyo gaadiidka Hawada ayaa shaqo joojinta ku sameeyay Maareeyaha.

Wasiirka duulista Hawadda Warqad ka soo baxday Xafiiskiisa , waxaan si KMG ah shaqada loogu soo dhiibay Ku xigeenkiisa Maadaama Yuusuf Shaqadda laga joojiyay.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda duulista Hawadda ayaa Radio baidoa u xaqiijiyay in muddooyinkii dambe uu jiray Khilaaf u dhaxeeyay Wasiirka iyo Maareeyaha.