Maareeye kuxigeenka Airportka Baydhabo oo kawarbixiyey Howlaha Dayactirka Garoonka.

Maareeye Ku Xigeenka 1aad ee Airporka Baydhabo oo sheegey in ay si wanaagsan u socdaan howlaha Dayactirka Shaati-Gaduud Airport.

Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud ee maagalada Baydhabo.
waxaa la dhisey Toddobaatameeyadii waxaana hada laga Dayactirayaa Burbur gaarey Qeybo kamid ah.

Maxamed Sheekh Cabdullaahi Maareeye kuxigeenka 1aad ee Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo ayaa Sheegey in ay si wanaagsan u socdaan Howlaha Dayactirka ee Maalmihii la soo dhaafey lagu Billaabey Garoonka

Maareeyaha ayaa yiri sidatan-Dayactirka ayaa hadda waxaa uu ka socdaa halka Diyaaradaha marka hore ay soo Caga’dhigtaan oo uu Burbur uu ka muuqdey saameyayna Roobabka ka da’ayey Magalaada Baydhabo.

Wasaradda Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa iyada oo kaashaneysa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ay Dayactir ku bilowdey Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ee Shaati-Gaduud.

Dayactirka ayaa hadda waxaa uu ka socdaa halka Diyaaradaha marka hore ay soo Caga’dhigtaan oo uu Burbur uu ka muuqdey saameyayna Roobabka ka da’ayey Magalaada Baydhabo.

Garoonka Shaatigaduud ee Magaalada Baydhabo ayaa ah Garoonka ugu Mashquulka badan Koonfur Galbeed iyadoo ay isticmaalaan Shacab iyo Dowlad iyo Waliba Amisom iyadoona lawada ogsoonyahay Shacabka Badankood in ay Wadooyinka ku Safri karin oo ay Go’doomiyeen Alshabaab inta badan.