Maareeye oo mar kale loo doortay kursiga Golaha Shacabka

Waxaa Maanta Xarunta dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye ka bilaawday doorashada 5 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Soomaaliland.

Goobta doorashada ayaa waxaa ku sugan Guddiga Maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi & xubno kamid ah guddiga doorashooyinka heer Federaal & mas’uuliyiin kale oo ka socda dowladda Soomaaliya, iyada oo ay codeynayaan 101 Ergo oo la soo xulay

Kursiga koowaad ee doorashada Maanta ayaa waxaa ku tartamay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye & Cabdiraxmaan Warsame Saciid, waxaana kursiga Hop#225  Golaha Shacabka  ku guuleystay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo helay 96 Cod halka Cabdiraxmaan Warsame Saciid uu helay 3 Cod, waxaana halaabay laba Cod.

Guddoomiyaha Guddiga Maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi aya sirasmi ah u sheegay in Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu ku guuleystay kursiga Maanta ee Golaha Shacabka.

Waxaa goordhow la guda galayaa doorashada kursiga labaad ee Golaha Shacabka oo degaan doorashadiisu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland, kaas oo ay ku tartami doonaan dhowr musharrax.