Maareeyihii Airport ka Baydhabo oo Shaqadiisa Dib loogu Fasaxay

Wareegto uu soo saarey Wasiirka Gaadiidka Duulista Hawada Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Eeley ayaa shaqadiisa dib ugu celiyey Salaad Jeeri. Maareeyaha Shaati Gaduud international Airport.

Maareeyaha ayaa Shaqa Fariisin lagu sameeyey dhowr Bilood kahor kadib markii lagu eedeeyey Qaladaad ku Takrifal dhanka Shaqadiisa ah oo u muuqatey Awood Sheegasho.