Madax Ka Qeyb Gashay Salaadda Janaasada Jen. Galaal

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo Meydka lagula tukaday Masjidka weyn ee Isbaheysiga islaamka ee Magaalada Muqdisho.

Madax kale oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada Marxuum Maxamed Galaal oo shalay ku dhintay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Afrik oo ku yaalla Jidka aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxdii kale ee ka qeyb gashay Janaasada ayaa Jen. Maxamed Nuur Galaal Alle iyo dhammaan dadkii ku geeriyooday qaraxa Alle uga baryay inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo

Qabuuro ku yaalla Muqdisho ayaa xiligaan lagu aasayaa qaar kamid ah dadkii ku naf-waayay weerarkii lagu qaaday Hotel Afrik, xili ay ku sugnaayeen gudaha Hotelka, isla markaana waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin, Ehelo iyo dad kale.