Madaxaweynaha c/casiis Xassan Maxamed Lafta gareen oo shir gudoomiyey shirka Golaha waziirada dowlad Goboleedka kgs

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Shir Gudoomiyey kulanka Golaha Wasiirada,Waxaana inta uu Socday looga hadlay Arimaha Amniga ‘Dhaqaalaha,Siyaasada, Hormarinta Bulshada iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag ayaa ka warbixiyey xaalada Ammaanka guud ee Koonfur Galbeed,waxaana uu amaanay howlgallada qorshaysan ee ay fulinayaan Ciidanka xooga dalka kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed oo kaashanaya Saxiibada Somaliya ee AMISOM, kuwaasi oo howlgallo ka sameeyeen deegaanoka tirsan Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa uga Mahadceliyey Golaha Wasiirada Shaqada adag ee ay u hayaan Shacabkooda,isagoona ku dhiira geliyey inay sii laba jibaaraan u shaqaynta Shacabka ay Masuulka u yihiin,waxaana Madaxweyne Lafta gareen uu warbixin ka siiyey safarkii uu dhawaan ku tegay Jabuuti,saiag oo sheegay in qalabeyn lagu sameyn doono Isbitaala Marka iyo Garoonka Diyaaradaha Baraawe.