Madaxda Madasha Wada-tashiga oo maanta ku kulmaya magaalada Muqdisho

Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa maanta ku kulmaya magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlaya arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha ku hor-gudban

Shirkan ayaa looga hadli doonaa tabashada ay qabto Puntland ee ku aadan doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, iyadoo dhowaan hakad gelisay doorashooyinkii Aqalka Hoose ee ka socday Garowe.

Puntland ayaa dalbaneysa in xubnaha labo ka mid ah xubnaha ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag ee Aqalka Sare lagu soo doorto deegaanadeeda, waxaana muranka ka taagan arrintan ay keentay inuu dib u dhac ku yimaado doorashadii Aqalka sare ee xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Madaxda ka qeyb galeysa shirka ayaa waxaa ka mid ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, Madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Muqdisho ku sugnaa Madaxweyne kuxigeenka Puntland, waxaana maanta la filayaa inuu Muqdisho yimaado Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka noqonaya Wakiilada Beesha Caalamka oo walaac ka qaba in doorashada ay mar kale dib u dhacdo, iyadoo saddex jeer oo hore dib u dhacyo ku yimaadeen.

Maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa illaa iyo hada soo dhameystiray doorashada xubnaha Aqalka Hoose, halka Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ay u harsan yihiin dhowr xubnood