Madaxweynah kg oo balanqaadyo usameeyey shacabka reer Waajid

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Waajid ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo badi kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in guud degmada Waajid laga ga’doomiyey Cirka iyo Dhulka,isla markaana waxyaabaha ay u yimaadeen ay qeyb ka tahay inay go’adoonka ka qaadaan.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Xubno Wasiiro ah uu u xil saaray inay u kuurgalaan xaalada dadka ku nool degmada Waajid iyo dhibaatooyinka heysta,isla markaana uu rajeynayo in wax badan laga qaban doono.