Madaxweynaha Gal-mudug iyo Waziirka Gaashandhiga Oo Goor Dhow Gaaray Ceelbuur

0 296

Goordhaw ayaa Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed waxay gaareen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, waxaana wafdiga Madaxweynaha Maamulka Galmudug ka mid ah Wasiirka Difaaca Xukumadda Soomaaliya Gen.C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa soo dhaweeyay Maamulka Degmada Ceelbuur iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya.

Amaanka degmada ayaa maanta si weyn loo adkeeyay,iyadoo wadooyinka waa weyn lagu arkayo Ciidamada  Itoobiya ee ka midka ah AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya, waxaana wafdiga Madaxweynaha ay la kulmi doonan Maamulka degmada iyo Saraakiisha Amniga Degmada ku sugan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.