Madaxweynaha Hirshabeelle oo heshiis la gaaray dowladda dhexe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in la xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay maamulkiisa iyo dowladda dhexe ka dib shir jaraa ‘id uu hada ku qabtay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka kala hadlay in tabashooyinka ay qabaan dowla goboleedyada laga qanciyo,isla markaana isaga dhankiisa uu dowladda kala heshiiyey khilaafkii kala dhaxeeyey.