Madaxweynaha K/Galbeed & Ururada Bulshada Rayidka Oo Kulan yeeshey

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatey Ururada bulshada Rayidka degaanada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ururada Vulshada rayidka ay warbixin ka siiyeen Madaxweynaha Shaqooyina ay hayaan, iyaga oo warbixin ka siiyay u diyaar garoowgooda ku aadan doorashada hoggaanka Ururada bulshada rayidka Koonfur Galbeed oo dhawaan la qabanayo.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Ururada Bulshada rayidka ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Ururada iyo hoggaanka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ururada Bulshada rayidka uga mahad celiyay Shaqada ay u hayaan Bulshada Koonfur Galbeed, waxaana uu ugu baaqay inay halkaasi kasii wadaan.