Madaxweynaha K/Galbeed oo u Hambalyeyey Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka K/Galbeed ayaa sheegay in xornimada wadanka ay dadaal iyo wakhti badan galiyeen jiilkii wakhtigaas kuwaas oo mirihii ay beereen aan maanta haysano inkasto waxyaabo badan aysan ahayn sidii la rabay.

Xornimadii Gobolada Waqooyi 26 June ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ahayd Maalin aan la dhayalsan karin oo dareenka Bulshada ku xoogan iyo midowgii labada Gobol iyo Xornimada Koonfurta Koowda Luulyo oo ku timid rabitaanka dadkeena iyo ahmiyada wadajirku uu leeyahay.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in Midnimadaas iyo Madaxbanaanida Qaranka ay maanta wax badan iska badaleen wuxuu hoosta ka xariiqay in kala qaybsanan aysan waxba soo kordhinaynin oo aanay jirin cid si gaar ah wax uga faa’iidi karta.