Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo gaarey Muqdisho-SAWIRO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Waxaa sidoo kale maanta Muqdisho soo gaari qaar ka mid ah maamulada kale ee dalka.

Shirka waxa ka qayb-galay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxda shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkaas ayaa sida qorshaysan Sabtida berri ah ka furmi doona magaalada Muqdisho.