Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay guddiga xalinta khilaafaadka Koonfur Galbeed÷SAWIRO

Madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga xalinta khilaafaadka doorashoiyinka dalka.

Kulanka madaxweynaha Koonfur Galbeed uu la yeeshay guddiga xalinta khilaafaadka ayaa kusoo aadaya xili maalintii shalay oo Isniin ahayd Baydhaba lagu doortay 5 ka mid ah 8da senator ee kasoo galeyso Koonfur Galbeed.