Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku-meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo waxa uu ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA ee Soomaaliya Ikali karvinen.

Ikali karvinen Wakiilka cusub ee Hay’aada FCA ee Soomaaliya iyo Xubnaha ku wehlinayey socdaalkiisa ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey socdaalkooda iyo Waxyaabihii uqabsoomay sanadihii lasoo dhaafay waxaana ay xuseen in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay kala shaqeynayaan Dhisida Gollaha Deegaanka Degmooyinka Koonfur Galbeed,Hormarinta Waxbarashada,Caafimaada iyo Daadejinta Adeegyada Dowlada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u mahadceliyey Wakiilka Hay,adda FCA Ikali karvinen iyo Madaxda ku wehlinaysa Socdaalkiisa waxaana uu xusay in ay bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee Hay’adda ay ka wado deegaanada Koonfur Galbeed.

“Waan idin kaga mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen waxaan ku faraxsanahay shaqada amaanta mudan ee aad ka wadaan deegaanada koonfur galbeed ha ahaato dhisida gollaha deegaanka,waxbarashada iyo caafimaadka,dowlad goboleedka aan hogaamiyo ahmiyad gooni ah ayey noo leedahay dhismaha gollaha deegaanka degmooyinka koonfur galbeed guulaha hiigsiga leh ee aan wadno sida noogu garab siinaysaa waan idinkaga mahadcelinaynaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka mahadceliyey Dadaalka Hay’adda FCA ka wado Deegaanada Koonfur Galbeed.