Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa saakay gaaray magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo xildhibaano ayaa waxaa garoonka diyaraadaha magaalada Beijing ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan dowladda Shiinaha.

Farmaajo ayaa waxa uu ka qeyb gali doonaa Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay Madaxweyne Farmaajo furitaanka Madasha ka hor in uu kulan gaar ah la yeelan doono dhiggiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona dardar-gelinta xiriirka taariikhiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya, kaas oo ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.