Madaxweynaha”Baaritaan ayaa lagu sameyn doonaa weerarkii ka dhacay Kismaayo”

Madaxweynaha dowlada fedaralka soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  cambaareeyey weerarkii shaley lagu qaadey xaruun ay deganaayeen ciidamada xooga dalka somilyeed iyo kuwa nabada ilaalint Midowga africa ee Amisom oo ku sugan jubada Hoose wuxuuna madaxweynaha sheegey in baaritaano lagu sameyn doona weerarkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegey in falka weerarkaas lagu qaadey ciidanka xooga dalka iyo kuwa Amiso ay tahay mid cadowga ku doonayaan in ay ku wiiqaan nabada iyo horumarka ay ku tallaabsaneyso guud ahaan dalka soomaaliya ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

‘’Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen geesiyaashii maanta lagu laayey falka argagixiso ee ka dhacay Kismaayo. Soomaaliya waxay leedahay hadaf ah inay nabad waarta gaarto, suuragalna ma ahan in kooxo yar ay shacabka ka weeciyaan hadafkaasi saliimka ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegey in baaritaano lagu sameyn doono sida weerarka u dhacay isaga oo shegey in dowlada federalka soomaliya ay xooga saari doonto xereyaha lagu tababaro ciidanka xooga dalka soomaliyeed .

Xerada weerarka lagu qaadey ayaa qeyb ka ah barnaamijka heer qaran oo la doonayo in  la isugu dhafo ciidamada dowlada iyo kuwa maamul gobaleedyada dalka ka jira.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Radio Baydhaba.