Madaxweyne Farmaajo iyo xisbiyadda oo kulan uga socda Madaxtooyada

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan kula qaadanaya xarunta madaxtooyada Qaranka Villa Soomaaliya qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee Kumeel Gaarka ah kuwaa oo ka diiwaangashan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulamadaan ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee dalka, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka sidda ay sheegeen Mas’uuliyiinta Madaxtooyada.

Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada Mucaaraadka ah ee sidda weyn uga soo horjeedda Hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo ayaa qaadacay kulanka ay yeelanayaan maanta oo Sabti ah Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyada Siyaasadda ee heysta shahaadada KMG ee Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka.

Sidoo kal waxaa ka mid aheyn kuwa ku jira Madasha Xisbiyadda Qaran oo horay ula kulmay Madaxweyne Farmaajo.