Madaxweyne Farmaajo oo Amar-siiyey Xukuumadda Soomaaliya

Kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Galabta xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii Qaranka Soomaaliya Axmed Cali daahir mid cusubna uu Magacaabay ayaa waxaa uu Amar-siiyey Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan, si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka.

Dowladihii dalka soo maray ayaan ku guuleysan inay dhisaan Golaha Adeega Garsoorka,waxaana la ogeyn waxa xilligaan kusoo beegay in Madaxweyne Farmaajo uu Xukuumadda ku amro in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka.