Madaxweyne Farmaajo oo booqdey garoonka diyaaradaha Aaadan cade oo dhaawacyo laga qaadayo

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa haatan laga qaadayaa in ku dhow 16 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dadkaan loo wado dalka turkiga si loogu soo daaweeyo ayaa waxaa sagootinaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa mid mid u booqday dadka ku dhaawacmay qarixii shalay ee loo qaaday dalka turkiga xilli ay ku sugnaayeen Garoonka Diyaaradaha Adan-Cadde ee Magaalada muqdisho.

Dadkaan la qaadayo ayaa waxa ay kamid yihiin dadka dhaawacyada culus uu kasoo gaaray qaraxaas,waxaana dalka turkiga ka socda u diyaar garowga sidii dhaawacyada isbitaalka loo geyn lahaa.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho soo gaarto Diyaarad ay soo dirtay dowladda Qatar taas oo la filayo inay qaado qaar kamid ah dadka ugu daran ee qaraxaasi ku dhaawacmay.