Madaxweyne Farmaajo oo dalka Dib ugu soo laabtay

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay,kadib markii uu ka qeybgalay shir madaxeedkii Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin kaladuwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliaya.

Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii madaxweynaha,wuxuuna sheegay in uu guul ku soo dhamaaday,wasiir Cawad ayaa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay taageersantahay dib u habaynta lagu sameynayo Ururka Midowga Afrika iyo qorshayaasha ku aadan mideynta suuqyada xorta ah ee Afrika.

Shirmadaxeedkii 30-aad ee Midowga AFrika ayaa inta badan diiradda lagu saaray xoojinta la dagaalanka Musuqa,arggagixisada iyo dhibaatooyinka Tahriibka iyo qodobo kale.