Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xogayaha guud ee QM

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Faahfaahin ka bixiyay kulan uu Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho uu kula qaatay Wafdi uu hogaaminaayay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Waxaa uu sheegay in uu kala hadlay Arimo ay ka mid yihiin Ammaanka Soomaaliya iyo sidoo kale sidii Gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen Abaaraha ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobey ay balanqaaday in ay ka qeyb qaadan doonto Gurmadka dadka ay saameeyeen Abaaraha
Guterres oo xilkaan qabtay 1-dii January 2017 ayaa safarkiisa uu maanta ku soo gaaray Magaalada Muqdisho, wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado dalka, tan iyo markii xilkaan uu qabtay.

Safarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku yimid Magaalada Muqdisho, ayaa ku soo aadaya iyadoo guud ahaan dalka Somaliya ay ka jirto xaalad Qatar ah oo dhanka Abaaraha ah.