Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado inuu maanta gaaro Hobyo

Sida qorshaha uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wadaa maanta oo Isniin ah inuu safar ku tago Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagaayo Magaalada Hobyo, ayaa wuxuu la xiriira dhagax dhigida dhismaha Dakadda magaalada Hobyo oo maamulka Galmudug ay si wayn u daneynayaan.

Wafdi Xildhibaano iyo Senetaro isugu jira ayaa gaaray shalay Magaalada Hobyo si ay halkaasi ugu sii diyaariyaan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa loo sameynaayo.

Xildhibaan Ubax Tahliil oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee ku sugan Magaalada Hobyo, ayaa waxa ay sheegtay inay si wayn u adkeeyeen ammaanka Magaalada, ayna diyaariyeen soo dhaweynta Madaxweynaha.

Waxa ay sheegtay marka Madaxweynaha Hobyo uu tago, uu la kulmi doono dadka degaanka, kadibna uu dhagax dhigi doono dhismaha Dakadda Magaalada Hobyo.

Safarka Madaxweynaha uu maanta ku tagayo Magaalada Hobyo, kadib ayuu Madaxweynaha wuxuu tagi doonaa Magaalada Cadaado, si loo qanciyo Bulshada degta Magaaladaasi oo tabasho qabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya ayaa safar ku maraya Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, isaga oo tagay degaano badan.