Madaxweyne Farmaajo Oo lakulmay xogayaha guud ee QM

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kula kulmay Xarunta Xalane Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo saacado kooban ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa u yimid magaalada Muqdisho, xaaladaha abaaraha iyo sidii taageero caalami ah loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha.

Mr Antonio Guterres ayaa sheegay in 6.2 milyan oo ruux ay saameeyeen abaaraha, isla markaana qatar loogu jiro inay soo laabatay macluul la mid ah tii sanadkii 2011 dhacday.

Waxaa uu sheegay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah, isagoo ka deyriyay xaalada 33, kun oo caruur ah, kuwaasoo heysata nafaqo darro.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in abaaraha ka jira Soomaaliya ay gaartay heer dadka u dhintaan, xoolo badan ku baaba’aan, waxaana uu xusay in Xoghayaha Guud uu u yimid Muqdisho in caalamka u sheegto sidii taageero lala soo gaari lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ay ka wada hadleen xaalada ammaanka ee dalka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa u gudbay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaasoo uu kormeeri doono isbitaalada la dhigay dadka uu soo ritay cuduro ka dhashay abaaraha.