Madaxweyne Gaas oo Deked cusub ka dhagax dhigay Mudug

Madaxweynaha Puntland oo gaaray degaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa sheegay in uu halkaasi dhagax ka dhigay deked cusub oo dhawaan la dhisi doona.

Gaas ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan baahida dadka kunool gobolka Mudug qeybta Puntland.

Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay Dekedda, waxaana uu sheegay in dhawaan loo raadi doona maalgalin.

Waxaa uu sheegay sidoo kale in degaankaasi laga hirgali doona Mashaariic horumarineed.

Qorshaha ayaa ahaa in Dekedda uu dhagax dhigo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, laakiin waa uu ka cudurdaartay.