Madaxweyne Gaas oo Wal wal ka Muujiyay qaar kamid ah Qodobadii ay ku heshiiyeen Dowlada Somalia iyo Somaliland

Madaxweynaha Maamulka Puntiland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay Heshiis dhoor qodob ka kooban oo maalmo kahor Dalka Jabuuti ku wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Cabdi Wali Gaas ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan Heshiiska ay wada Gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, balse ay jiraan qodobo Maamulkiisa wal wal ka qabaan uu ku jira Heshiiska labada dhinac wada gaareen.

Madaxweynaha Puntiland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ,ayaa cadeeyay qodobada ay wal walka ka qabto Maamulkiisa oo ay kamid yihiin qodobada la xariirka Maamulka Hawada Soomaaliya iyo Waliba masiirka Dalka ,
Dr Gaas ayaa Xusay in Maamulka Puntiland uu qeyb ka ahaa Heshiiska Maamulka Hawada Soomaaliya , balse ay xiligan layaab ku noqotay in Maamulka hawada ay isku koobeen Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

-‘’ Hadaan nahay Puntiland waxaan dacwo ka nahay oon kasoo horjeednaa Barnaamijka la xariira hawada Soomaaliya,Heshiiska hawada ayaa ahaa mid sadax geesood ah ay wada galeen Dowlada Federaalka ,Somaliland iyo Puntiland, waxaan moodaa in Heshiiskaasi hada ay la wareegeen iskuna koobeen Dowlada Federaalka iyo Somaliland, waxaana arintan ka qabnaa wal wal xoogan waana fikir qaldan, Goor Puntiland ay ka baxday Heshiiska Sadax geesoodka ee hawada Somaalya ma garan karo’’ Ayuu Yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntiland ayaa sidoo kale ka hadlay arinta la xariirta masiirka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in Dowlada Federaalka iyo Maamulka Somaliland aysan ku koobneen Masiirka Soomaaliya balse loo baahan yahay in Maamulka Puntiland oo qeyb ka noqdo arimahaasi.

Hadalka Madaxweynaha Puntiland ayaa kusoo aadaya Xili dhawaan Dalka Jabuuti Heshiis dhoor qodob ka kooban ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.