Madaxweyne Lafta Gareen Oo Tababar Usoo Xiray Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60 aad:- (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta gareen) ayaa tababar u soo xiray in kabadan 140oo askari oo ka mid noqonaya ciidamada Xooga Dalka Qeybta 60aad , oo muddo Halsano lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee magalada baydhabo .

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabbadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan argagaxisada iyo cadawga u taagan dhibaataynta shacabka.

Madaxweyne lafta gareen ayaa hoosta ka xarriiqay in Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda deeganada konfur galbed .

“Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga deeganada, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin wadaniyad, dhaqan iyo anshax ciidannimo.”

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Uk oo daddaalka ku bixiyay tabarka ciidankan

“Waa maalin taariikhi ah in saraakiishan dhallinyarada ah ay akaadimayad dalkeenna ku taal wax noogu bartaan, arrinkaas cidda kugu garab siin karta waa dowlad saaxiibtinimo qoto dheer ay inaga dhaxeyso. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda uk sida ay noogu garab taagan yihiin in aan dib cagaheenna ugu istaagno.”

Munaasabadda xiritaanka tababarkan waxaa goob joog ku ahaa Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha konfur galbed Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka xooga dalka qaybta 60 aad , Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka qaybta 60 aad iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.