Madaxweyne Laftagareen Maxay kawada Hadleen Xilibaanada Labada Aqal ee uu lakulmey?

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka KGS Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta kulan isugu jiray Qado sharaf iyo kala Warqaadasho u sameeyey Mudanayaasha Baarlamanka Labada Aqal ee Dowlada Federaalka Soomaliya ee Deegan Doorashadoodu ay tahay Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa waxaa lagu qabtey Hoyga Gudoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheikh Abdiraxaman kulanak ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya mudaane Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxman iyo Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamanka Soomaaliya mudane Cabdiweli Muudey iyo Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Pro Mudane Mohamed Osman Jawari Xilibaano iyo wasiiro.

Waxaana inta uu socday kulanka Looga hadlay Aayaha iyo Mustaqbalka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sidii kor loogu qaadi lahaa loogana Shaqayn lahaa Horumarka Deeganada ay ka soo jeedaan ee Koonfur Galbeed.

Dhanka kale ka Qeybgalayaasha kulanka ayaa Amaanay Waxqabadka muuqda ee uu Sameeyey Madaxweyne Lafta-gareen Dhinacyada Amniga Dhaqaalaha Dib udhiska Ciidanka horumarinta Bulshada iyo Ka shaqaynta Midnimada Shacabka Koonfur galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo kulanka dhankiisa ka hadlay ayaa Tilmaamay Mudada Uu hayey Xilka oo aan dhamayn 1Sano Waxyaabaha u qabsoomay iyo Waxyaabaha uu Doonayo In uu Qabto isagoona Xusay in Xiriirka uu la leeyahay Dowladaha Saxiibka la ah Dowlada dhexe Soomaaliya uu yahay mid Wanaagsan Casuumaadna uu ka heley Madaxda Jabuuti Waxaana Horey Dowlada Jabuuti Maamulka Koonfur Galbeed u ballan qaaday in ay Dhisayso Dekedda Baraawe iyo Qalabaynta Ispitaalka Marko.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Dhankiisa Waxa uu sheegey in loo bahanyahay in lagu dadaalo Midnimada iyo Wax wada Qabashada si Bulshada Reer koonfur Galbeed ay u helaan Adeegyo horumarineed si wadajir ahna looga Shaqeeyo.