Madaxweyne Laftagareen oo Baydhaba kaga qeybgalay xaflad loo sameeyay CXDS

Madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa kaga qeybgalay magaalada Baydhaba xaflad lagu dhiirigelinayay ciidamada kala duwan ee xooga dalka.

Xafladda oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada KGS ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed mudane Cali Saciid Faqi, taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyaha qeybta 60aad jeneraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi, taliyaha booliska gobolka Bay gaashaanle dhexe Mad Amiin Daruur, taliyaha asluubta gobolka Bay korneel Dhiiga, wasiiro, xildhibaano, saraakiil ciidsn iyo masuusliyiin iyo dadweyne badan.