Madaxweyne Laftagareen oo Degmada Waajid ka Dhegax Dhigay Dhismayaal cusub

Madxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo Maanta Degmada Weejid ku dhigax dhigay Mashaarucyo Horumarineed .

Dhanka kale Madxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen , ayaa kormeeray iskuulka degmada waajid si uu qayb uga noqdo qorsha horumarinta adeegyada waxbarshada mamulka .

Madxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa sidoo kale xariga ka jaray MCH hooyada iyo dhalaanka Degmada Waajid xarunta ayaa dabooleysa baahiyada deg-degga ah ee bulshada Soomaaliyeed degmadaas .

Bulshada ku nool degmada waajid ee gobalka Bakool iyo kan degmada Xudur oo markii madaxweynha soo gaaray magaaladaan ka codsaday in dowladdu wax badan ka qabato baahida degmada ka jirta , ayaa ka mahad celiyay dhagax dhigga mashruuc yadaan .

Shantii sano ee lasoo dhaafay, dadka degmada waajid ma arkin madax dowlad goboleedka konfur galbeed somaliya waxaana dowladda konfur galbbed ka go’an in ay daboosho baahiyaha bulshada reer waajid .