Madaxweyne Laftagareen oo Dib ugu soo laabtay Magaaladda Baydhabo

Socdaalka Muqdisho Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ku tagay Waxa uu ahaa Mid ku Salaysan Ka mira dhalka ushaqaynta Shacabka uu Masuulka kayahay iyo Badbaadinta Nafta iyo Maalka Shacabka Saameeyey Fatahaadka ee ku Nool Degmada Berdaale ee Gobolka Baay Sidii loogu heli lahaa Gargaar Degdeg ah oo La Xarariiri Samatabixin Bulshada Sameynta ku yeeshay Roobka Deyrta ee ka Da’ay Guud ahaan Dalka Gaar ahaan Gobolada Baay Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Madaxda ugu Saraysa Dalka oo ugu Horeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayuu kulan la Qaatay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen Waxaana uu ahaa Muhiimada Kulamada Sidii Dowlada Federaalka Soomaaliya kaalinteeda ku adaan Sidii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay uga Tageeri Lahayd Amniga Dhaqaalaha Cafimaadka iyo Hormarinta Bulshada Loo Dardar Gelin lahaa ayuu kala Hadlay Madaxda Dalka.

Dhiiro Gelinta iyo Hormarinta Bulshada si ay u helaan Hanaan Dowladeed oo loo dhanyahay ayuu Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ka Qeybgalay Xiritaanka Kulanka Agasimiyaasha Guud Ee Wasaaradaha DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo Maalmo Muqdisho uga Socday.

Kulamo iyo Ka Qeybgalka Howlaha Shaqo kadib Wafdigan uu Hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ee ay Qeyb ka ahayeen Wasiiradaha Wasaaradaha Maaliyada, Arimaha Gudaha, Ganacsiga Beeraha, Boostada iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa Manta Si weyn loogu So dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati Gaduud Airport ee Magaalada Baydhabo.

Soo Dhoweyn kadib Wafdiga oo loo So gelbiyey Xarunta Aqalka Madaxtooyada Kumeel Gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ugu horeyn Waxaa Warbaahinta Koonfur Galbeed la hadlay Cabduqaadir Shariif Shekhuna Maye Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Baarlamaanka Koonfur Galbeed Waxana uu ka Warbixiyey Xaaladaha Gobolada Koonfur Galbeed Maadaama uu ahaa Kusimaha Madaxweynaha Maalmahii uu Maqnaa Madaxweyna Cabdicasiis Lafta gareen .

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyey Safarkii ugu Maqnaa Muqdisho iyo Waxyabihii u soo Qabsoomey Waxaana aad ugu Hadlay Xaalada Fatahadyada Biyaha ee Degmada Berdaalle.