Madaxweyne Laftagareen Oo Dib ugu soo laabtey Baydhabo+SAWIRO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagreen ayaa Magaalada Muqdisho kaga qeybgalay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayey Dardargelinta Arimaha Doorashooyinka Dalka Ee Shaley lagu soo gabagabeeyey muqdisho kaasi oo heshiis dhanka doorashada ah laga gaarey,

Madaxweynaha ayaa waxaa si weyn Magaalada Baydhabo si diiran ugu soo dhaweeyey Qaar kamid ah labada gole ee Koonfur Galbeed iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan,