Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya:-SAWIRO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo uu wehlinayo Gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi ayaa kulan la qaatay Masuuliyiin ka socday Wasaaraddaha Qorshaynta iyo Maaliyada Dowlada Federaalka Soomaaliyo oo Baydhabo usoo gaaray ka qeybgalka Daahfurka Shirka looga Hadlaayo Arimaha Abaaraha.

Xubnaha wafdiga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Barlamaanka Koonfur Galbeed Dr, Cali Saciid Fiqi ayaa maanta Magaalada Baydhabo uga qeyb galay barnaamij lagu daahfurayay kasoo kabashada Xasaradaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisey Wasaarada qorsheynta koonfur galbeed .

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galey Wasiirka qorshynta koonfur galbeed, qaar ka mid ah Wasiirada, Gudigga mashruuca Xasaradaha iyo Agaasimayaasha guud ee wasaradaha qarkooda.