Madaxweyne Turkiga oo Soomaaliya Uga Mahad-celiyey Taageeradii ay u Muujisay.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Erdogan oo goordhow ka hadlayey baarlamaanka dalkiisa ayaa u mahadceliyey dalal ay ku jirto Soomaaliya sida ay u taageereen weerarrada uu ka wado gudaha dalka Suuriya.

Madaxweyne Recep Erdogan oo arrinkaas ka hadlayey ayaa yiri “ Waxaan Soomaaliya uga mahadecinayaa iney nagu garab istaageen howlgalka militari ee aan ka wadno waqooyiga Syria”.

Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka hortimid bayaanka Jaamacadda Carabta ee ku aadan in la cambaareeyo weerarada ay Turkidu ka wadaan gudana Suuriya, laguna dalbaday iney ka baxaan.

Turkiga waxaa uu dowladda federaalka ah ka taageeraa miisaaniyadda, waxaa kale oo uu Muqdisho ku leeyahay saldhig militari uu ku tababaro askarta Soomaalida, maalgeshi badanna waa uu sameeyey.