Madaxweyne Waare oo Buulo Burde ka bilaabey kulamo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare & Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Bula Burde ee gobolka Hiiraan.

Garoonka diyaaradaha Buulo Burde waxaa Waare kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle oo maalmahaan ku sugnaa degmadaas & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Waare ayaa waxaa uu kulan la qaatay dayaash dhaqanka bula burde iyo mas”uuliyiinta maamulka degmadaas,isaga oo kala hadlay sii xal looga gaari lahaa khilaaf dhinaca maamulka ah oo ka taagan degmadas.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa u jeedada ugu wyen ee u tagay BuuloBurde ay tahay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhashay Maamulka Cusub ee loo Magacaabey degmadaas.