Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay sii deynta C/raxmaan C/Shakuur

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa wuxuu ka hadlay sii deynta Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo xalay lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo.

C/raxmaan ayaa la xiray 18-kii Bishan, kadib markii ciidamada ammaanka ay weerar ku qaadeen hoyga Magaalada Muqdisho uu ka dagan yahay, xilli habeen ah halkaasina ay ka soo qabteen.

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa wuxuu sheegay dadaal dheer kadib in lagu guuleystay sii deynta masuulkaan, wuxuuna sheegay inaysan jirin Shuruudo badan oo loo maray sii deymadiisa.

Xaaf ayaa meesha ka saaray inay jiraan Shuruudo ku aadan inuusan dalka ka bixi karin C/raxmaan C/Shakuur iyo inuusan Saxaafadda ka soo muuqan karin, isaga oo dhaliilaya Hay’addaha ammaanka dowladda Federalka Soomaaliya.

Xaaf ayaa sheegay in wixii kale dib la iska warsan doono oo ay ka mid yihiin ciidankii weerarkaasi lagu laayay iyo qaabka loo qabtay Siyaasigan, balse hadda ay xoogga saareen kaliya sidii loo sii deyn lahaa masuulkan.

Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa hadda dib u helay xuriyadiisa, waxaana uu Warbaahinta ka soo muuqday isaga oo gacanta midix ay kaga duuduuban tahay faashad